sheekadu waxay inoo joogtay yadoo ali dhuux aadan, iyo ragii la socday markii dilka lagu xukumay, la dhahay 25,cisho dib haloogu dhigo si xogtooda loo baadho.
Intii ayna dhamaan 25,kii cisho ayuu cali aadan gorayo ka tiriyey gabaygaan musanawga ah.
Sagoo markaas gabayga ula jeeday, caaqilada burco jooga oo iskugu jira habaryoonis, iyo dhulbahante, iyo qolyo kale, oo badan sagoo waliba sigaara u beegsanaaya beesha habaryoonis una sheegaya, inay waa hore abaal ugaleeen qolyo habar yoonis ah, oo gee laga dhacay markaasna ay beesha caligeri magan galiyeen geeliina usoo dhiciyeeen, xitaa ay xoolaha u waraabin jireen, markay ay habaryoonistu usoo guurto dhulka ay cali reerahiisu dagaan.
oo aheed Buuhoodle iyo aagiisa aheed, sagoo una sheegaaya inay abaalkii waagaas loo galay bal xasuustaan.
Waxuu dhahay
“Diiriye nin habarwaaya oo hanada weeyaane’ (diiriye magan ayuu ula jeedaa)
Malahe haduu hagar la’yahay nalama haysteene,
Kooreeye hiil iima gelin haybana way xigaye,( kooreeye aadan kidin caaqil jiif reer hagar ),
Muuse care waa u hiilin jirey haatanoo kalee,
..hilaawe iyo afbuur halow la lefsiiyey,
Hotada ma dhigin jeeray iga hayaameene,
Way iga hurdaan wiilashii hariye ogaaye,
Ninkii hadalkii qoorwaa og ima haleeyeen,
Hadalba waxana uga daaleen haatana udaayey,
Kuwii hooyadey ii dhashay iyo hiirad baa inacaye, (habaryoonis ayuu ula jeda)
Allahayow adaan kuu hadh galay hooska shookiga,e.”
Markii uu abwaan cali dhuux tiriyey gabaygaa, ayay kaceen odayadii iyo caaqiladii iyo wax garadkii joogey burco.
yagoo gumaystaha ingiriiska ku boorinaya inuuna fulin qorshaha dilka abwaan ka iyo raga kalee la socda.
waayo Somalidu waxay wax iskugu sheegi jirtay gabay, reerka gabay loo tiriyo oo aan wax daqaqan ah ka bixin, gabaygaas ama ragaas loo gabyey waxay ku aheeed maro dhac aad u ween.
Saasoo ay tahay hadana somalida dhankeeda, waxa ku waynaa magan galyada; qofka magan galyada ah lama taaban jirin.
hadii qofkaas magan galyada ah loo dhaafo reerka uu maganta u yahay yana waxay aheed meeel ka dhac aad u weyn, oo aan waligeed ka hadheen hadana hadii gabay loogu daro way kasii xumeed.
Waayo waxay ka sariigan jireen, in maanta hadii gabay loo tiriyo, oo ayna waxba ka qaban in beri lagu caayi dooyo!! ayna ku noqon doonto boog madow, oo aan waligeed ka hadheen.
waxaana dhici karta inay hablo badan ku guur beelaan laguna dacaayadeeyo, arinkaas ay waxba ka qaban waayeen.
Mar waliba gabaygu wuu ka xeel dheeraaa hadalada kale, qofku haduu sagoo muusanaabaya tiriyo gabay way ka miisaan, wayneed inuu hadal caadi ah kuu muusanaabo.
Waayo waxay cadeynaysaa ama ka turjumayaa, muusanaabkaasi inay bal jirto in yaroo diir-nax ah, iyo islaam nimo, ama somalinimo, ama ehelnimo, hadii intaa laga waayo dee waxba inagama dhexeeyaan weeye hawshu.
Kadib waa lagu muusanaabay gumaystahii oo lagu dhahay hadaad ninkii darawishta kasoo baxa disho adaa dadka u celinaaya, kuna khasbaaya inay Daraawiishta ku negaadaan, adna kaa cararaan.
Kadib ayey qolyahii abwaan cali dhuux u muusanaabay ay tiriyeen gabay waxyana dhaheen.
- “Jawaab faranji ma jiro calow juuq nin celiyaaye’
- Mar haduu jiridkii is gashado malaha jeefaafe’
- Waxaan jari lahaa xadhig nin kle kugu jujuuraye’
- Miyaan jabin karayaaa sarkaal haduu siriq isgaliyo’
- Jinigii lasoo diray haduu idin jaxaadsiiyo’
- Haduu joofka idin soo qabsadey janan itaalaystay’
- Birta jilibka idin diirtee jalamtu yeedhayso’
- Waxaan jari lahaa dabar ninkle kugu jifjiiraaye’
- Miyaan jabin karayaaa sarkaal haduu siriq siiyey.”
Markii uu cali dhuux tiriyey gabay muusanow ah, oo uu habaryoonis ugu sheegayo, kuna xasuusinaayo abaalo hore oo ay u galeen saga iyo reerkiisu beesha habaryoonis.
ayey odayaashii hawshii ka muusanaabeen, markaasay yana gabay tiriyeen, yagoo ugu sheegaya abwaan ali dhuux inayna waxba ula hadhin, ergadiisana ay wax walbaa usameeyee si dilka looga baajiyo.
Waa takalee taladuna gacantooda kuma jirtoo, gumaystaha iyo janan itaalaystay inay hawshu gacanta ugu jirto, ayey usheegeen cali dhuux iyo xertiisii lkn ugu dambeyn waa lasoo daayey cali dhuux iyo xertiisii.
Kadib waxaa la sheegaa in markii lasii daayey, cali dhuux in la kaxeeyey oo la geeyey cadan, laguna dhahay helkaan iska deg oo guryo ka dhiso.
cabar markuu fakarey ayuu dhahay Buhodle hala igeeyo, helkaasaan rabaaye.
waxuuna dhahay waxan rabaa inaa sayid mohamed abdille hassan, aan kasoo reebo dadka, ee helkaas igeeya kadib waaa geeyey waayo gumaystahu, wuu jeclaa qofka dhaha sayidka ayan dadka kasoo reebaa.
Xiligaas waxaa gabay soo tiriyey, nin ay isku qabaaro ahaayeen oo ahaa, reer gorod lana odhan jiray colwad seed, sagoo cali dhuux usheegaya in lala socdo meelwalbaa uu jiro ama aado.
Waxuuna dhahay.
- “Hadad cararto oo cararto oo cadan in wayn dhaafto’
- Cirkaa hadaad uduusho sharcigu wuu kusoo celin’
- Marahaan see’ cudoon iyo intaan calas taxaabaayo’
- Sayidkoo ku caynsha iyo anigoo ku cafa mooyaane’
- midhaa caafimaad umad fadhidid caliyow buhodle”
Kadib ayuu abwaan colwad seed badaley gabaygii, sagoo ka dhigay meeshii aheed, sayidkoo ku caynasha iyo anoo ku cafa mooyaane waxuu u badaley sayidkoo ku caynsha hadana ku cafa mooyaane.
Hadan dadka qaar waxay sheegan in abwaan colwad seed uu dhahay markii hore.
“Raboo ku caynsha iyo anoo ku cafa mooyaane hadana wuu badalay.”
Waxaa la sheegaa oo kale in colwad seed lagu dhahay soo qabo cali dhuux, intaa hub iyo fardo la siiyey lkn cali dhux waa ka war helay duulaankaas waana ka cararey Buhodle iyo aagiisa.
Waxaa loo sheegay colwad seed in abwan cali dhuux uu maray, wadadaas balidhiig kadib ayuu dhahay wan ka daba tagaynaaye.
fardaha inoo maydha ayuu dhahay, markii gabalkii gaabtay ayey ka daba tageen, waxay socdaanba markay gadhi wayeen, ayuu colwad seed dhahay burco ayaan galaynaa,
oo Markaas gumaystahu haystay, ragii kale waxay dhahen ma gali karno burco; wayo saanad fcn ma hyno kadib wuu ku adkeestay, waayo waxuu ka baqaayey in sagoo faro madhan uu utago sayidka.
waa la xidhxidhay colwad seed, sayidka ayaa loo geeyey saas ayaa xujadii looga saaray colwad cali dhuuxna ku fakadey.
Hadii aan helkaas kaga nimaadno cali dhuux iyo Taariikhdiisii oo kooban, bal aan in yar dulmarno qodobo muhiim ahna taabano.
Cali dhuux aadan gorayo waxuu ahaa abwaan waxuu ahaa, abaan duule geela dhaca.
marna soo dhacsada oo markay ay dirirta tagto loo baahdo, taasna waxaa kuu cadaynaysa inuu ahaa geel qaade dagaal yahay ah.
Soomaaalidii hore geela oo la kala dhaco umay aqoon ceeb, ama xaraan.
waxa uuna hadh iyo habeenba rac-do ugu jiray sidii uu geel usoo moora duugi lahaa.
waxuu ahaa talo yaqaaan garta go’ayn og, oo yaqaana geed fadhiisiga, afmiishaar ah, inkastoo qofka gabyaaga ahi uu ka afmiishaarsan yahy, qofka aan gabyin.
sas oo ay tahay abwaan cali dhuux waxuu ku sifaysnaa oo kale:
Geesinimo, oo waxuu ahaa nin aan aqoon gabashada, 100, ka nina aan wadada uga bixin.
nolosha iyo geeridu ay usiman tahay waligii dagaal uu galay fulaynimo laguma sheegin, waxuu ahaa qooqaa afarta baabacaba madow oo gabashada aan aqoon.
Hadii aan eegno dhankaan iyo waxii uu ka gabyi jiray abwaanku.
- Cali dhuux aadan waxuu ka gabyi jiray, waxyaalo badan yadoo ay ugu horeyso marba xaalada, markaas taaga inuu gabay ka tiriyo.
- waxaa kaloo uu ka gabyi jiray dhicida geela iyo garta iyo nabada, waxaa kaloo uu ka gabyi jiray is xilaafaynta, ama markay rag iska celinta jogto, hadey silsilad gabay noqoto, iyo hadii ay noqoto meel intaa lagu cargaatamay dhiig ku daatay.
Waxuu kaloo ahaa nin xoolo addun leh geel iyo adhiba, kuwaasoo u daaqayey buuhoodle aagiisa.
- Waxyaalo badan oo kale oo uu ka gabyi jiray, waa jiraan hada bal aan ku xasuusiyo inuu yahay ninkii bilaabay silsilada guba, ugu dheer silsilad la duubo oo gabay somali ah.
Cali iyo reerkisii

Cai dhuux saan shegnay dumar badan ayuu guursadey, caruurna waa udhaleen, caruurtiisii waa jiraan kuwa hano qaaday iyo kuwa aan hano qaadinba.
intii hano qaaday waxaa laga helayaa ama ay ku noolyahiin Buhodle aagiisa.
Caruurtiisii wax gabay isku dayey waa jireen sida gabadh, la odhan jiray caasho oo gabay tirisay, iyo wiilal uu dhalay oo yana gabyey waa jiraan.
lkn wiilashiisa wuu kala taliyey inay gabyaan waayo, haday gabyaan dadka ayey is nacayaan ayuu is dhahay malahayga.
Waxa ka mid ahaa kuwii isku dayey inay gabyaan.
- Abdiwiil cali dhuux aadan wiilkaas wuu gabyi jiray, lkn sagoo dhalin yaro ah ayuu dhintay alle ha unaxariistee.
- faarax gaydh cali dhuux isna waa gabyi jiray.
- cawo hibo cali dhuux oo reer qabridahar aheed yana waa gabyi jirtay.
- Caasho naado cali dhuux yana way gabyi jirtay.
- Abwan yuusuf cali dhuux isna waa isku dayaa gabayada.
Cali dhuux halyeygii maansada somaliyeed alle ha unaxariistee, waxuu inooga tagay gabayo badan oo wax ku ool leh.
waxuu hormarin ku sameeyey luqadeena Hooyo, waxuuna ka mid ahaa halyeeyadii kasoo dhex muuqday maansayahanadii soonaaliyeed baal dahaba ka galay.
Cali dhux marna la ilaawi maayo maansooyinkiisi, markaad maqasho aad ujiboonayso.
alla tolow ma soo mari doonaa qof saasoo kale ah malahayga wa maya, ragi waa kii hore hadalna waa intuu yidhi.
Ninku suntan daadacnimo geesinimo gobanimo, iyo hal adeeg waa yartahy in la helo.
somalidu rageedii la rabay inay ku faanto, ragii halyeyyada ahaa ragiii ma qaabiirta ahaa, way sheeg sheegaan uune lkn masii daba galaan.
oo taariikhdoodii masii fiiriyaan waana khalad, waayo halyeygaaga waxaa la rabaa inaad akhrido tariikhdiisii aadna ragaaga daba gasho raac raacdna.
balse aan intaas kaga goobsado maqaalkio aan ka qora cali dhuux.
maxaa laga baran karaa taariikhdii abwaan ali dhuux aadan gorayo
ü Hal adeyg ali dhuux aadan gorayo waxuu ahaaa nin ku ad adag diintiisa, iyo dhaqankiisa waxaan qofka looga baahan yahay, inuu noqdo mid ku ag adag diintiisa iyo dhaqankiisaba.
ü Aftahannimo alle ugu deeqay, aftahannimadu waa wax alle dadka ugu kala deeqo, midbaa afgarooc ah.
midbaa aftahan ah waakii abwaankii somaliyed lahaa, “wallee rag iishiray u noqde”
oo ah rag kusoo shirey, inay hadal ama aftahannimo igaga badin doonan taladoodii, u noqde markaa hadii aadan aftahan aheen oo aamuska badi.
ü Geesinimo ali dhuux aadan waxaa kaloo uu ahaa nin aad u geesisan xiliyada dirirtana aan aqoon sida loo gabado.
Raad raaca qoraalkan:
Waxan ka qoray maqaalkaan fiidiyowyo badan oo aan daawaday, iyo raadin badan oo aan sameeyey ayaan ka diyaariyey.
Waana muhiim inaad barato abwaanada haldoorka ah, nin karmeedka dalkaaga, waayo bari marka laguugu faano, oo lagu dhaho anigu abwaankayga intaasan ka aqaanaa.
ee adigu halyey yadaadii wax ma ka taqaanaa, see wax ma warin kartaa ama ma ka markhaati kici kartaa.
Mahadsanid akhriste
Qoraalka badankiisa waxaan ka qoray muuqaal, uu duubay abwan yuusuf cali dhux oo ah wiilkii abwaan cali dhuux.
qore: yaasiin ahmed (zimpah)
