Soomaalida dhexda waxaa jira sheekooyin badan oo caan baxay, kuwaasoo u badan sheeko xariiro, loolana jeedo in lagula baxo xikmad, ama caruurta lagu cabsi galiyo ama, caruurta looga sheekeeyo si ay maskaxdoodu u korto.
Boqorad araweelo waa shakhsi si weyn uga dhex muuqda hab-dhaqameedka Soomaalida, oo u taagan awoodda iyo adkaysiga haweenka ee hoggaaminta.
Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah, sheekadii Boqorad araweelo, oo aad uga dhex muuqata, taasoo astaan u ah awood-siinta iyo maamulka.
Sheekooyinkaasi way ku badan yihiin soomaalida dhexdeeda waxaana ka mida, sheekadii cigaal shidaadoo fulaynimo lagu xanto, iyo sheekadii dad qalato dhagdheer, iyo araweelo, iyo sheekooyin badanoo kale.
gaara
“Boqorad araweelo waxa ay u adeegtaa sidii raga waxayna muhiim utahy awood siinta ee sheekooyinka bulshada.”
Kuwaasoo markaad dib u milicsato aadan wax raad ah u helayn, inay jiraan ama ay adkaanayso inaad rumaysato waxaan inay dad ahaayeen.
Dad badan ayaa aaminsan in Boqorad araweelo ay ka horyimid hab-dhaqanka dhaqanka, una gogol xaarayey jiilalka dambe ee haweenka.
Dhaxalka Boqorad araweelo waxay sii kicinaysaa dadka cadaalada iyo sinaanta doonka ah.
Dhaqanka, Boqorad araweelo waxa ay astaan u tahay xoogga dumarka iyo la dagaalanka dulmiga.
Hadii aan usooo noqono sheekadeen oo ah sheekadii araweelo.
Boqorad araweelo waxaa lagu an-dacoodo inay mar dhulka soomaalida ka talin jirtay.
Fahamka Dhaxalka Boqorad Araweelo
Sheekada Boqorad araweelo waxay iftiiminaysaa doorka muhiimka ah ee ay haweenku ku yeelan karaan bulshada.
Boqorad araweelo waxa inta badan lagu tilmaamaa doodaha ku saabsan sinnaanta dadk iyo xoojinta.
Sheekada Boqorad araweelo waxa ay u adeegaysaa in ay jiilalka soo socda ku barto muhiimadda awood-siinta dumarka.
Iyada oo la adeegsanayo muraayadda Boqorad araweelo, waxaan ku baari karnaa horumarka doorarka haweenka ee bulshada.
Sheekada Boqorad araweelo waxa ay ku dhiirigelinaysaa haweenka in ay u hanqal taagaan mansabyo awood iyo saamayn leh.
Ku mashquulida sheekada Boqorad araweelo waxay dhalin kartaa doodo ku saabsan hogaaminta casriga ah.
Waaya aragnimada Boqorad araweelo waxaa la dhacsan dumar badan oo maanta doonaya in ay hormar gaadhaan
Sheekada dhexdeeda, waxaynu ka helaynaa aragtiyo ku saabsan xoogga ay ka kooban yihiin tirooyinka sida Boqorad araweelo.
Inkastoo aan taas cidina cadeyn karin, waxaad moodaa bulshada qaybo badanoo kamid ahi, inay rumaysanyihiin jiritaankeeda.
Dhaxalka Boqorad araweelo waxa ay dhiiri gelisaa wada sheekaysiga ku saabsan muhiimada kala duwanaanshaha hogaaminta.
Hadey jirtana waa boqorad ayna xusin qoraayahanadii hore, ayna ka ilaaween buugtooda.
hadii ayna jirina waa qof ay dadkii sheekooyinkeeda maleegey, ku sifeeyeen dabeecado cajiib ah iyo kaligeed talisnimo, iyo naxariis daroba.saldhig uyahiin.
gobolada soomaalida badankooda waa laga yaqaanaa, balse waxaa boqortooyadii lagu sheegaa, degmada ceelaayo ee waqooyi bari somalia, helkaasoo inay ku aasan tahayna la iskugu sheekeeyo.
Waxaa la sheegaa inay araweelo talada ku qabsatay si afgambi u eeg.
Waxay aheed qof leh anshiga raga, kana ad adag dumarka, waxna uu u ogeyn raga.
Si ay laboodka arinka ugala wareegto, waxay amartay dumarkii inay hawlaha guriga faraha uga qaadaan bal in ayaamo ah.
Sheekooyinka Boqorad araweelo waxa ay muujinayaan caqabadaha ay haweenku kala kulmaan doorar hoggaamineed oo dhan taariikhda.
Ragii waa ka yeeleen oo waxay ku mashquuleen hawlahii guriga, intii ay ragu mashquulsanaayeen ayey araweelo uruursatay dumarkii raga shaqada kusoo cidleeyey, iyo hubkii raga.
Markay ragii warma la’aan ka dhigtayna way wada qab-qabatay, waxayna ku dadaashay inay hesho wadadii ay waligeedba ku hysan laheed.
Go’aan yaab leh ayey markiiba soo saartay, waxay dhahday “rag oo idil waa in la dhufaanaa oo xiniinyaha laga saaraa, kii diidana waa in la dilaa.”
Markay ragii wada dhufaantay waxaa iskugu soo hadhay baa la dhahaa wadankii, rag dhufaafan oo waxay diidaan iyo waxay yeelaan toona, ayna jirin iyo waxay ka dhiidhiyaan toona, oo dumarku adeegsadaan, iyo dumar taladii haya.
Inkastoo ay wax walbaaa udhaceen sidii ay u qorshaysay, hadana waxaa waa danbe araweelo kusoo gordhay, cabsi ah in rag aan la dhufaanin oo qoodh ahi ay wali gayiga ku noolyahiin, kuwaasoo xukunkeeda bari ka maalin halis ku noqon kara.
Sideebay taas ku hubin kartaa, ayey iswaydiisay waxay soo rogtay inay markay dabin joogtaba dadka ay u taliyo soo dhex dhigto xujooyin ad adag, hadii ay mudo kooban ku fur-daamin waayaan ama kaga jawaabi wayaaan, inay dil ku muteysanayaaan, xujadaas la furi waayey.
Malaha Waxay islaheed xujooyinka ad adag, nin qoodha oo ay raganimadiisu udhamaystiran tahay mooyaane cidkle kama jawaabi karto, ninkaasoo qoodha oo xininyahiisa fuulay.
Helkan baa sheekada waxaa kusoo biiray, nin sagu ka badbaadey dhufaanidii raga la dhufaanayey, nin garaad badan oo ku guulaystay yagoo xiniin-yihiisu unabad qabaan inuu gayiga ku noolaado.
Waxaa la odhan jiray odey Biiqay, sagaana dadka meel ugu jiray, oo dadka si aan loo layn u furfuri jiray, xujooyinka ad adag ee loosoo diri jiray.
Sida hadab lagu sheekeeyo maalinbay araweelo dadkii ku xujeysay, inay u keenaan dhig qaanso roobaadka leeg oo ay aqalka ku dhisato, dhigtu waxaa weeye geed ay somalidu ku dhisato aqalka kuwooda baadiyaha dega.
Dadkii waxay yeelaan markay garan waayeen, ayey la tashi ugu tageen odey biiqay, odey biiqay waxuu dhahay “ bal horta intaad araweelo ku noqotaan waxaad waydiisaan bal udub leeg dhigtaas oo lagu taago inay yadu keento marka hore.” odey biiqay waxuu ka bad-baadey dhuufaanidii la dhufaanayey raga.
Markaasey walaacdey nabad galyadeedii ayey u cabsatay, waxay dareentay in wali gayiga rag qoodh ahi ku dhaqan-yahay.
Kolkaasey maalintii danbe dadka ku xujeysay, bal inay u keenaan harag labada docoodba xaga sare iyo xaga hoose dhogor ku leh, taana waxay ka yeelaan markay garan waayeen, ayey odey biiqay nafta kula ciirsadeen, markaasay ku dhaheen manta xujadaas ayey keentee, noo fasir, markaasuu dhahay “waxaad u gaysaan dhag dameer yadaa labada dhinacba ku leh dhogore.”
Xujadii oo la furay markay ula tageena, waxaa ku sii badatay baqdintii ay ka qabtay, rag rag ah oo u babac dhigi karaa inay jogaan, walina aan ragu wada dhufaaneen.
Si kastaba ha ahaatee sheekooyinka, araweelo loo saaliyo, laba siyaabood ayaa loo fasiri karaa.
1: hadii ay tahay sheekadaan miday a ragu maleegeen, waxaa la suuraysan karaa inay ula jeedeen, hadiiba gayiga dumarku xukumi lahaayeen, saxariirta ay rafaadka ay kula kici lahaayeen raga, iyo guud ahaan sida foosha xunee ay wax yeeli lahaayeen.
Taasna waxaan ku garanaynaa, sanadku markuu ahaa kun, sagaal boqol, iyo dhawr iyo afartankii, qarnigii 20,naad, gabay uu tiriyey Faarah Hussein SHarmaarke kaasoo ahaa, Abwaan can ka ahaa guud ahaan gobolka gedo, inkastoo uu Faarah yaraan ku geeriyoodey, hadan waxuu maansooyinka somaliyeed ku soo kordhiyey, maansooyin ay ka buuxaan xikmado, ayna mush ka yihiin, suugaanta, nooc walbaa oo ay tahay.
Abwaanku sagoo ka cabanaya, tix-gelin la’aan dhanka bulshada ah ayaa waxuu dhahay:
- “Tolkeybaa nin doorkiis aqoon, jeer god loo diro’e
- Boqorkii u daahira, colbay ugu dadaalaane,
- Dayaxoodu goortuu dhaco, ayey dugay yidhaan daane.”
Hase ahaatee ereyada aadka loogu xasuustaa waxay ku jiraan, tix uu tiriyey sagoona tix-daas ku sheegaya, inuu gabayga iska dhaafo gabi ahaantiiba, oo uuna mar danbe gabyin.
Waxuuna sheegay ilaa 16,sababood oo uu gabayga iskaga dhaafayo, waxaana ka mid ahaa tuduc ku jiray, gabaygaas oo dalka Somalia caan ka noqdey.
Aqoonyahanno badan ayaa tixraaca Boqorad araweelo marka ay falanqeynayaan dhaq-dhaqaaqa hoggaamineed ee haweenka ee taariikhiga ah.
Waxuu dhahay:
- “Shimbir duulis badan, oo dhulki degi aqoon waayey,
- Mar uun-buu libaax labadi daan dalaq yidhaah daaye,
- Inay edebushoy doora tahay yaan iskaga daayey.”
Gabaygaan soo socdana waxuu Faarax, ku xusayaa sheekooyinkii araweelo iyo xujooyinkii ay dadka ku tijaabin jirtay, odey biiqay sidii uu uga bad-baadey iyo, sida loo dilay araweelo.
Waxuu ugu horeysiinayaa, ratigii ay codsatey, ee cadeysinka ahaa hadan rarnaa, waxuuna sikaloo qurux badan ugu soo bandhigayaa gabaygiisa si ay ku dheehan tahay, farshaxan iyo hal abuurnimo.
Waxuuna kaloo si qurxoon ugu soo bandhigayaa, falaad-yadeedii layaabka lahaa, waliba kii ugu sii yaabka badnaa, oo ahaa markay gabadh ay dhashay labo nin uwada dhistay, yadoo midna ku amartay inta dharaarta ah ee ay qoraxdu soo jeedo inuu u imaan karo, hawlahiisana ka gudan karo.
Kii labaadna waxay ku amartay inuu u yimaado inta habeenkii ah, uuna fogaado inta qoraxdu soo jeedo.
Si ay ku dheehan tahay farshaxan, ayuu abwaanku inuugu sheegayaa dhibkaas meesha ka dhacay, iyo doodii kasoo noqotay markay gabadhii dhashay wiil, labadii nina ay isku qabsadeen wiilkii yaraa, iyo sida gartii loo naqay.
Gabaygaan waxaa la sheegaa inuu u tiriyey dumar ay qabeen, rag ay qaraabo dhaw ahaayeen, waxuuna ku eedeeyey odayadaas inay taladoodii hablaha u dhiibeen, markuu ugu duur xulay sheeko xariiradaan, sagoona xasuusinaya odayaasha inay mudan doonaan waxii ay muteen, ragii ay u talin Araweelo.
Waxuuna Abwaanku xasuusnaa maahmaahdii aheed “ reer ay marey utalisay, murug maarug ayaa u danbeysa.”

Gabaygaasoo dheer waxaa ka mid ahaa:
- “Araweelo dumaroo dhan bay u aqli roonayde,
- Iyaduna awawgeed la naar, ma arin fiicnayne,
- Goortii ugaas laga dhiguu, ololay suurkiiye’
- Nimankii amiirka u xukumay, qoodhahii ebere!!!
- Waxay tidhi hadaan laga id-leyn, way ajalayaane,
- Aqli naaqus yaashii boqradey, ooye dabadeede,
- Arin-keeda waa lagu lumaa, oori caana lahe,
- Awr wada cadeysina,asaan agabkii loo waayin
- Yey-tidhi caduuriyo ilgaar ku amriyoo saara,
- Waxuu yidhi Abwaankii, ku jiray aqalka raartiisa,
- Intaad marisaan ratiga, dhiiqadii adab-la,
- La ordoo ayadoo, en-gegan aayar rabash-siiya,
- Gabadhii itaal badan rag waa, wada indheeyaaye,
- Inanteedii toosnayd, haduu, ilaalaystay,
- Nin waliba anaa eedo kaa iibin buu yidhiye,
- Mid bay tidhi alaylkii la jog, waana arraddaaye,
- Oo yaanan kuu iman haddu, oogu soo kaco’e,
- Ha indhayn dharaartii wedbaa, jooga aqalkaase,
- Mid bay tidhi shamsada eego oo, waaga soo orode,
- Kana aarso maalintii aday, oori kuu tahaye,
- Oo agagaarkeeda ka durug, aaska oo dumaye,
- Isma oga raggaan naagtu waa, uwada adeegtaaye,
- Uurawday saa laba ninbaan, kala irdhaysnayne,
- Umushay oo islawbay dhashoo, loona alalaasye,
- Nin ilmo leh, asaan arag dharaar, aamin qabi waaye,
- Arbihii cawadii guuri jiray, soo ilbidhiqleeye,
- Ayadoo nin kale aabbe yidhi, aragyey reerkiiye,
- Fulaybaa abraaree halkii, ooda soo jabiye,
- E ebada iyo gaashaanka iyo, qaate ulihiiye,
- Intir iyo dagaal iyo fitnay, kala ebyoodeene,
- Eelkaa wixii dhigayna waa, habar inkaarraade,
- La aroori oo niman maslaxo, loola soo orodye,
- Aradii midbaa helay kubaa, qaatay inankiiye,
- Waxay tidhi adeeg-baan udirin, aada samadaase,
- Oo qaansa roobaad Allaan, aqal ku wayneyne,
- Ee iila soo orod rago, yaanan ku idlayne,
- Lagu orod-yey odey biiqay, waa talo adawgweede(awawgeed),
- Waxaa la yidhi awoowow, fit-nuu dhigay ib-layskiiye,
- Ka arimi cirkana eeganay oo, aad-mi tagi waaye,
- Wuxuu yidhi utaga oo kufriga, ehelka naareeda,
- Aanu yeelnee meeshaan adaa noo amiirada’e,
- Aqbal-naye ayeeyoy, la imo udub dhexaadkiiye,
- Waxay tidhi odaa nool, tashigaan inan ma keeneene,
- Aan arkee Ayaan kaliya, rara beelahoo idile,
- Afkuu galisay meel oomana, hilin abaaraade,
- Waxuu oofta iga saara yidhi, guubiskii ugube,
- Markay awrtii kala daadatuu, daaqay omoskiiye,
- Ciyoontaba haween waa indhee, aaminkaa galaye,
- Aahiyo asqaa loogu go,ay, ooma sooraha’e,
- Aan arooro eedoy la yidhi, maalkii naga oonye,
- Waxay tidhi ilbaan maydhayaa, toban ayaamoode,
- Dabadeedna waa kii ajalay, ehlu khayrkiiye,
- Aqli naasu goof oomanbaa, loo afaafadaye,
- Ashahaado goortay ekayd, oyday habartiiye,
- Yadii amuudaye waxaa jooga, ehelkeede,
- Gidigood naagiyo ib-lays, waa ilma adeere,
- Labadaba ninkii aan inkirin, waa Allow sahale.”
Taasi waa aragtida raga, waa hadii ay yagu sheekada Arawelo mala awaaleen, waxayna cadaynaysa hadii dumarku addunka maamuli lahaayeen.
- In haday dumarku talada qabtaan ayna waxba kala socdeen, dadkuna madaxa isla gali lahaa, lana waayi lahaa wax dadka kala haga.
- In la waayi lahaa cid dadka talada u goysa, oo marba meeshii reerka nacfi ugu jiro u rarta.
- In hadii dumarku wadanka maamuli lahaayeen, ay samayn lahaayeen aar goosi, aad u wayn, oo ay raga kula kici lahaayeen.
- Waxaana muuqatoo kale xitaa inay dhanka diinta ku tuman, lahaayeen oo ayna wax yaalo badan oo diintu ina amrayso inayna, u hogaansameen,
- Waxaa kaloo muuqata in addunkaan aan laga maarmin rag Taliyah, oo xiniiyo leh addunkana wax walboo lagu dhaqaaqo marka alle la tala saarto kadib ragaguna u dhaqaaqo inay suurtowdo.
- Waxaa kaloo muuqata in ninka hadii xiniinyaha laga saaro, uuna talin Karin lkn ninka xiniinyaha lahi, uu mar walbaa talin karo, lagana maarmin, raguna xiniinyaha ayuu wax ku yahay.
Aynu ixtiraamno dhaxalka Boqorad araweelo, oo aynu ku dadaalno sidii loo heli lahaa mustaqbal siman.
Hadiise ay sheekadaan tahay miday dumarku mala awaaleen, waxay muujinayaan sida ay uga aar soogan lahaayeen, ragooda yagoona xasuusan hagar daamada ay kula kacaan marmarka qaarkood, yagoona muujinaya sida ay raga u ciqaabi la haayeen, waxaa kaloo laga dareemayaa inay, ka xanaaqsan yihiin sida ragu ugu amar taaglayn jireen, ragu oo ayna talada guriga iyo ta bulshada, aan midna lala wadaajin jirin, raga
Sheekadaan hadaan eegno waxaad moodaa inay tahay, sheeko la curiyey oo xikmad lagula baxayo, xikamda lagula baxayana waanaga kor kusoo sheegnay,
Qisadan ku saabsan Boqorad araweelo waxa ay u adeegaysaa xasuusin kartida hoggaaminta dumarka.
Fahamka sheekada Boqorad araweelo waxay muhiim u tahay in la fahmo nuxurka xuquuqda haweenka.
Sidaa awgeed, Boqorad araweelo waxa uu weli yahay shakhsiga laf-dhabarta u ah hadalka ku saabsan jinsiga iyo awoodda.
Sheekada Boqorad araweelo waxay dhiirigelinaysaa adkaysiga iyo go’aan qaadashada haweenka hore.
Ugu dambayntii, Boqorad araweelo waxa ay u tahay iftiin rajo u ah kuwa u halgamaya sinnaanta dadka.
Gabagabadii, sheekadii Boqorad araweelo waxay xasuusin xoog leh u tahay awoodda haweenka ee wax-qabadka