sheekadii dhagdheer
Waxaa jira sheekooyin badan, kuwaasoo ku faafay soomaalida dhexdeeda, ha ahaato sheeko xaqiiqo ah, ama sheeko mala awaal ah taasoo la rabo, in xikmad lagula baxo.
Waxaana jira sheekooyin badan kuwaasoo aan u eekayn, xaqiiq sida cigaal shidaad, araweelo, iyo dhagdheer oo ah ta ay sheekadenu ku saabsan tahay.
Sheekooyinkaas waxaa laga soo gadhay, dadkii hore inay xaqiiqo tahay iyo inkle alle ayaa og.
Luqada soomaaligu waa luqad aad qani u ah, marka laga eego dhanka xikmadaha, iyo gabayada.
Waxaan odhan karaa luqada soomaaliga, waa luuqada qudhee kusoo dhow luuqada carabiga, marka laga eego dhanka xikmada iyo gabayada, luuqadeenu waxay kusoo dhawdahay luuqada quraanka kariimka ah ee carabiga.
Saasoo ay tahay soomaalidu way ka cararaan luqadeena, waxayna ka door bidaan inay ku hadlaan, luqadaha kale.
Qofkii barfisoor ah, ee maanta luqada Soomaaliga ku hadlaa, waxaa la odhanayaaa waxba ma taqaanid, hadii uu luqad dadkale leeyahiin ku hadlana waxaaa laha dhahaa, waa barfisoor tagey.
Ma haboona in laga tago luqadeena hooyo.
Hadii aan usoo gudbo baraarujintaas, waxay ay ku saabsan tahay sheekadeenu gabadhii la odhan jiray dhagdheer.
Dhagdheer waxay aheed gabadh, gabdhaha kale, lamida oo qurux badan markay gashaanti noqotay, waana la guursadey, waxayna dhashay saddex Hablood.
Waxayna ku noolaan jirtay dooxada nugaaleed, waxaa ka dhacay dhulkii ay ku noolaan jirtay abaar, gaag-ma reeba ah, oo dad iyo duunyaba lagu hoobtay, gaajadii markay u adkaysan waydayna, dad qalato ayey noqotay.
Hilibka dadka ayey macaansatay, cuno walboo la siiyana way ka go,dey wayna diiday.
Si ay hadada curiyaashii sheekadaan uxiiso galiyaan dadka, waxay muuqaalo aad u fool-xun ka bixiyeen is badalkii ku dhacay dhagdheer, kadib markii ay bilowday cunida hilibka dadka.
Waxay ku tilmaameen qof aad ubuuran, aad u xoog badan, aadna u dheeraysa, haday qof caydhsanayso sida dabaylaha ayey u xiimi jirtay, cid ka baxsan kartaana ma aysan jirin.
Waxaa la yidhi waxay laheed timo dhaadheer, oo markay ay ordeydo sida saynta fardaha, dabayshu gadaal u saydho.
Waxay kaloo lahayd baa la dhahaa indho aad u gud-guduudan, waxayna wax ka arki jirtay dhul aad u fog-fog, waxaa intaas u darnaa maqalkeeda oo meel aad u dheer wax ka maqli jirtay, xitaa hadii ay sanqadhaasi tahay laan-yaroo dabayshu ka jabisay geed kamida geedaha.
Labadeeda dhegood way kala abuur duwanaayeen, midbaa takale ka dheerayd, waana meesha magacu uga baxay, markay seexato dhegta dheer ayey kor, utaagi jirtay markay gamacdana dhulka ayey ku dhici jirtay,
haamahedu Waxay ka koobnaayeen 10,haamood, oo ay mid mooyaane inta kale biyaha ku kaydsan jirtay.
Mida kale waxay aheed qarsoodi oo xitaa hablaheedu, kama warqabi jirin, waxay habartu ku fasho.
Waxay haantaas ku ridan jirtay qofka ay qalato, oo helkaas ayey hilbaha dadka ku kaydin jirtay, magac-bay laheydoo waxaa la odhan jiray, bow-dheer marka la bujiyo ama la garaaco, waxaa laga maqli jiray dhul aad u fog-fog.
Dhagdheer aad ayey u arkagax galisay, nolosha bulshadii reer miiga aheed, ee ay dhex daganeed, caruur, iyo waayeelba, wadaad, iyo waranlaba, waxay daynaysaa mayjirin, meeshii lagu sheegana afar geedi ayaa laga guuri jiray, markaasbaa dadkii naftii iskugu timid, caruurtii ayaa xoolahii loo diri kari waayey, socodkii kali kalida ahaana waa lagu dhici waayey, in labo labo la isku raaco maahaane.
Si la yeelo yadoo la garan la’yahay ayaa dharaartii danbe, waxaa aqaladii dhargdheer kusoo leexday gabdho habow ah, oo aabbahoo carit caana ku nuuge, waxuu siiyo intuu waayey uu duurka ku ambiyey kuna siidaayey.
Mid kamida aqaladii dhagdheer markii ay galeen, waxay ku arkeen gabadh ay dhashay dhagdheer, oo ku xidhan tiirdhaxaadka aqalka ku xidhan.
Markaasay waydiiyeeen “gabadheey maxaa meeshaan kugu xidhay,” gabadhii waxay dhahdey “meesha waxaan ugu xidhanahay hooyadey oo ah dad qalato dhagdheer, dhawr jeer ayaan isku dayey inaan ka baxsado,sidii ay yeeleen laba gabdhood oo aan walalo nahay, saas ayey mar walboo ay ugaadhsi tagto helkaas iigu xidhaa, inkastoo aan ahey ina dad qalato dhagdheer, hadana dad qalato ma ahi hilibka dadkana ma cuno, ee walaalayaalow ha iga tagina.”
Markii ay ogaadeen aqalada ay joogaan inay yihiin kuwii dhagdheer, ayey nexeenoo naf iyo nololba ka quustee, markaasay gabadhii ina dhagdheer ku dhaheen “gabadhey anagu waan iska carareynaaye nabadey.”
Markaasey dhahday gabadhii ay dhagdheer dhashay, ” hooyadey hada waa inagu soo dhawdahay, kamana carari kartaaane iska jooga meelbaan idinku qarinayaaye, markay seexato ee dhagteeda dheer dhulka ku dhacdo, ayaan iskugu tagaynaayoo dilaynaaye.”’
gabadhii ay dhashay dhagdheer, waxay meel raar ah am doc ah ku duubtay labadii hablood ee u yimid, cabaar wax la joogaba waxaa timid duqdii Dhagdheer yadoo wadata cunug yar, oo ay markaas soo ugaadhsatay, markaasay hilibkii dabka u tuurtay.
Markaasay intay gabadhii ay dhashay xadhiga ka furtay ku dhahday, “maandhoy marka digsigu karo ee habeenku kala badhmo itoosi” yaduna way daalanayde way iska jiifsatay.

Ha se yeeshee intii ayna jiifsan ayey dareentay in guriga lagu weheliyo yada iyo gabadheeda, markaasay dhahday “maandhoy naasa habloo oo ugub ayaa ii uraaya” markaasay gabadheedii dhahday “hooyo waa kuwayga ee ma anaa hunguri iga kaa galay”’ cabaar kadib ayey hadana duqdii dhahday “maandhow badhi buuran oo ugub ayaa ii ureysee”’ markaasey gabadheedii dhahday “hooyo waa anigee ma anaa hunguri iga kaa galay” cabaar kadib ayey hadana duqdii dhahday “maandhoy xulus gabadh ugub ah ayaa ii uraaya” markaasey gabadheedii dhahday, “hooyo waa anigee ma anaa hunguriga iga kaa galay,” markaadey ugu jawaabtay “haye haye” iskana seexatay.
Waxay hurudaba dhagtii dheerayd ayaa dhulka ku dhacdey, markaasay saddexdii habloodna isku yimaadeen, fuudkii ama maraqii intay saddex weel ku kala shubteen, ayey dhegta kaga shubeen, duqdii oo goor horeba hurdo dheer gashay.
Markay ku shubeen fuudkii ayey boodey duqdii, afkiina kala aaaday saa fuudka intii hadhayna afka ayey kaga shubeen, markaasey dhulka is biliqdey cabaar kadibna way dhimatay.
Markiiba roob aan xiligiisii la gaadhin ayaa ka da’ay buuraha xargaga ma gu’baa mise wa dayr, lama oga.
kolkaas ayey hablahii heeseen waxay dhaheen, ” dhagdheer dhimatay roobeey, dhulkii nabadey, Dhagdheer dhimatey roobeey, Allow roone roobeey.
Sida ka muuqata sheekada dhagdheer waxay leedahay duluc dhow, iyo duluc shishe, tan dhaw waxay tahay ina waa kamida waayada ay dhulka soomaalida ka jiri jireen, dad qalatooyin kuwaasoo ay sababi jireen abaahara ka jira dhulka soomaalida.
Ta fogna waxay tahay in sharka iyo khayrku loolamaa, ugu danbeyna khayrku guulaysto.
Yadoo dad badan u maleeyaan inaan sharka loo babac dhigi karin, hadana waxaa muuqata in si yar looga adkaan karo bal fiiri, sida fudedee loo dilay qoftii loo maara la’aa, qofkii waayeel oo dhani maare u waayey, qoftii hadh iyo habeen laga seexan waayey.
Bulsho waynta cid ka bad baadisa qoftii la waayey, qoftii laga hadhsan waayey, laga soo xareysan waayey, laga hoyan waayey.
Hadii aan intaas kusoo goobno dhagdheer iyo sheekadeedii bal aan dib u yar eegno inay dhab tahay iyo inkale bal aan isla fiirino.
Horta sheekada dhagdheer waa sheeko caanka ah dhulka soomaalida, guri soomaali joogto oo aan lagaga sheekayn ma jiro, ha ahaado guri magaalo iyo mid baadiyeba, ha u badnaadaan reer baadiyahiye.
Hadii an eegno xaqiiqada sheekadaan waxay noqon kartaa, uun dhawr arimood.
1- In sheekadaan mala awaal tahay,taasoo loogu talo galay in caruurta lagu seexiyo, laguna cabsi galiyo marka ay seexanayaan, waliba xiliga habeenkii ayaa looga sheekyn jiray, markaa sheekadaan inay tahay mid la curiyey
2- Inay tahay sheeko jirta oo dhacday xiliya hore, kolay sheekadan sida ay dadku uwada hayaan waxaad modaa sheeko, dhulka somalidu degto ka dhacdey, xaqiiqada see Alle ayaa oh
3-Sheekadaan waxay kaloo ka turjumaysaa in luuqada soomaaligu qani tahay, yadoona aad awoodo inaan curiso sheekooyin, iyo wax yaalo kale oo lagu madadaasho, ha ahaato gabay, ama heeso.
Luuqadeena soomaaligu waxay baro dheertahy luqada badan oo kuwa caalamka ah, kuwaasoo eenu eenagu u naqaano inay luuqadeena ka fiicanyihiin, luuqada laguu sheegayo ee lagu leeyahay waa aqoon, dad walbaa yagaa luuqadooda aqoon ka dhigta.
Markaa luuqada soomaaliga halagu dadaalo yaan la lumin oo caruurta hala baro
maxaa laga qaadanayaa
inay luuqada soomaaligu qani tahay
in loo baahan yahay in wax la curiyo