Yagoo dhan awrta yar yar iyo qaalmaha yaryar waxaa la isku dhahaa, aaran.
Awrtu markay yar yartahay way is cunaan yagoo isku dagaal baranaya, helkaasaa laga gartaa awr walbaa meeshuu qabto, tusaale awrtu markay isku yimaadaan midba midka kale meelbuu qabtaa, mid garbaha awrta qabta, mid darayada yaqaan, mid candha galiska qabta, markaa helkaasaa lagu ogaadaa awr walba meeshuu qaban doono awrka kale waxaana loo yaqaanaa lacdan.
Geela dhediga marka ay hashu ilmaha caloosha ku sido waxaa layidhaahdaa , way rimantahay markaasoo kale markay rinto weeye, markay markaasoo kale dhali rabto tusale dayr ayaa la joogaa dayrtaan lagu jiro geela dhalaya ee aan wali dhalin waxaa la dhahaa geel dhalaya.
marka Ay dhashana waxaa la dhahaa hal dhashay, markay xoogaa joogtana waxaa la dhahaa hal irmaan
markey labo sano irmaantahayna waxaa la dhahaa dhaqayo (dhaqayo waa hashu markay inta badan irmaantahay) hasha waxaa laga yaabaa inay sadex sano irmaanaato oo neefku jaqo.
Markayna uurka waxba kusidina hashu waxaa la dhahaa galoof, ama hal gudhan.
Geeluna waa harwayn, iyo xaas, xaasku waa ka la maalo ama irmaan, harwaaynku waa ka aan la maalin ee iskugu jira mid galoofa, iyo mid riman, iyo mid dhalaysa.
Geela marka ilmaha ama ubadka laga kaxeeynayo oo la foofinaayo waxa layidhaahdaa kareeb oo nirgaha ayaa laga reebay, haduu markaasoo kle dhalay wuu dhib badan yahy marka la raacayo wuu soo kareeboon ka ayama hore dhalay sagu ma dhib badna marka la karebayo geela ka reebka ah marna saga soo hoyda marna waa la soo caraabiyaa.
kan aan nirgaha lahayn saga badanka lama soo caraabiyo ayda ayuu mirtaa helkaasuu iska fadhiista, marka warabe ama libaax loga baqayo, ama la aroorinayo ayaa lasoo xareeyaa.
Geela waxa jiro in sheekoyin badan iyo dhacdooyin badan oo laga diwaangeliyay tusaale wax kaste ama dhibaato kaste waxa ay ka kacda geela waa meesha laga yiraahdo kuli fidna cindi geel oo soomaalidu oraahd ka dhigato.
Sheekooyinka kala dhicida geela
Sheekoyinka qosolka ah ee geela laga diwaangeliyay waxa kamid qarnigi 20 aad ayaa ceel udhaw ceel buur waxaa joogi jiray nin layiraahdo caynab tuug
“Caynab waxa uu ahaa nin dadka aanan aqoon geela ka dhaca si yaab lehna uga dhaca tan ugu qosolka badan hadaan idin soo qabto nin reer guuraa ah ayaa waxaa uu soo degay tuulo layiraahdo Deri oo ceel buur udhaw Deri waxaa deganaa dad caynab wada yaqaano maalinki danbe ninki mesha soo degay waxa loo sheegay inuu iska jiro ninka caynab layidhaahdo, ninkii reer miyiga ahaa isagoo ninkii maskaxda ku haysta lkn uuna waji ahaan U aqoon, ayuu maalinki danbe Deri dhaan usoo dhaansaday kadib awrti ayuu inta meeshii ku qabiray ama ku xidhay, kadib markuu awrtii rarkii ka riday ayuu tuulada aaday goor casar gaab ah ayuu awrtii intuu qabiirka ka furay ayuu rarkii ku bilaabay, shaw ninkii caynab ahaa dhagax meshaan awrta lagu rarayo udhaw ayuu ku fadhiyaa ninkii, sago awrtii rarayo ceelkana wax dad ah aysan joogin caynab mooye ayuu waxa uu ugu heesay marka uu awrti raraayay (Allow caynab kaa hayi,iyo cayr dhamaanti,laga ceeymi maaye) caynab oo mesha fadhiya ayaa inta soo booday ku yiri ninkii caynabka aad sheegeyso muxuu sameeya, markaasu ninki ku jawaabay War waa mid cayr ah oo tuug ah kadibna caynab asagii oo is og ayuu ninki rabaa inuusan ogeysiin kadibna weeydiyay caynabka uu sheegayo waxa uu yahay marka uu awrti raray ayuu wadadi kula sii daayay kol uu fiidku soo gelaaayo maqribkana latukaday caynab asagoo ninki istusin ayuu aayar udaba kacay ama daba galay marka uu nus saac daba socday ayuu aayar afar rati uu ninku waday kan ugu danbeeyo kan ka horeeyo ay koortu ku xirneeyd ayuu inta uu koorti tartiib uga furay oo labadi rati xarkahoodii kuwii kale ka daba furay ayuu koorti ladaba kacay ninki awrta waday ogaaw labadi rati ee ugu danbeeyday awrta waa hareen oo caynab ayaa inta kuwa kle kadaba furay koorti ku xireedna inta aayar furay ninkaan ladaba kacay ninka awrta waday koorta ayaa wehel u ah oo waxa uu mooda inuu awrti dhan wada wato kadib markuu cabaar koorti ladaba socday ayuu meel duur ah koorti kula cararay kii awrta waday marka uu maqlay koorti oo carartay ayuu inta awrti uu waday geed ku xiray koorti kadaba orday caynaba sida uu koorti ula ordaayay ayuu inta geed suray si eey udhawaaqdo ayuu inta soo noqday ninki labada rati uu geedka ku xiray hadana ka xeeystay kiina koorti oo yeereyso ayuu wali kasii daba ordayaa caynabna labadi rati inta waday ayuu wuxu ugeeystay labadii rati oo kol hore meesha dhexe uga soo tegay ninkii dhaanka soo dhaansaday asagoon waxaba wadin ayuu ku laabtay gurigii uu saaka kasoo baxay sidaasna ayuun ugu sheegay dadkii mesha degana in caynab uu dhacay.”
Geela dhicidiisu waa caan waxaad maqasheen cali dhuux aadan gorayo oo inta wadaado geel ka dhacay markii ay wadaadadii u yimaadeen, yagoo geeloodii doonaya, waliba xoolaha wadaadada waa laga baqi jiray waagaas, balse ali dhuux wuu udiiday wadaadadii Geelii, wuuna ka gabyey oo gabyay ayuu usheegay inuusan geela celineen wadaadinaa halkaas ayey iskaga laabten ayagoo oo habaar ridaayo xoola wadaadna lama dhaco balse cali dhuux wuu u bareeray oo nin xoolaha geela aad ujecel ayuu ahaa cali dhuux.
gabaygii uu u tiriyay wadaada waxa kamid ahaa sida tan
- ‘’Sharad beey mareen awgeyow,shanaan uweeynaye
- Ninkaan shidig iyo heemaal lahayn ,sharaf ka dheeraaye
- Karuur shawle caanha shamaal,looma soo shubo
- Shacabkana ma dhaafo , oo badduu shabag ku tuurtaye
- Shuqulka gaalka kama maarmo ,oo shaahu kariyaaye
- Aniguna shaahii waa waxaan,shiilihu uriday
- Shiinka iyo wardiga aad aqrine,shicir ku aadanka
- Waxba ha is shirabin waan arka,sheikh inaad tahay
- Shayb waalan iyo wiil yar baa ,shaac idin noqone
- Shan hadaan ka hellay maalinki, shaaxin sidigteeda
- Caanaha haruubkan shaqladay,sheeemo laga buuxshay
- Shukraan noqo shaxaan dhigto iyo ,shalaqsan mooyaaane
- Shakiba iga galay awgeyow, inaan shaqeeyaye’’
Way iska baxeen markay arkeen meesha arinku ka taagan yahay cali dhuux.
Wayna iskaga huleeleen
Heesaha geela loo qaado
Geelu waxuu layhy heeso bdn kuwaasoo loo heeso marka la waraabinayo ama la caraabinayo iyo xiliyo kala duwwan
Waxaa ka mid ah heesahaas
- ‘’Geelagu marku daranyahay
- Laba nin duugtaaye
- Geelaa markuu dararan yahay
- Laba nin duugtaaye’’
- ‘’Markay dirirro hooraan
- Geeduhu da’a joogaan
- Dala wada irmaan baan
- Kugu diidin nirigtoo’’
- Godol debecsanaatee
- Gabno kuma daryeesho
- Marti kuuma deeqdoo
- Doobii lagama buuxshee’’
Kuwa geela lagu waraabiyo marka la shubaayo xarafka G
- ‘’Heey garmahaamado,
- Heey gaas xiroy qabo
- Heey Kaa gufahayaan
- Weeye girugeey
- Heey Garba buuley
- Gool hiloowleey
- Gosha wabiga
- Oon gendi lahayn
- Weeyo gurigood
- Ana gurigeey
- Meel garoorkiyo
- Oo garmaamado
- Guul allow sii
- Allow garansii
- Geel ninki dhaqay
- Gaal ninki dilay
- Gaal cadaan dilay
- Guul allow sii
- Allow garoowsii’’
Markana waa xarafka K iyo heesaha lagu waraabiyo geela
- ‘’Kuul hilaaxiyaal
- Kuunyo labankeed
- Koonfurow raac
- Koor kusii mar mar
- Kud kusii dheh
- Kaab arinkeed
- Waa koow iyo hee’’
Markaana wa xarafka J iyo heesaha geela lagu shubo
- ‘’Jilbo garileey ,Jadin qooyooy
- Jiiqla laandhabi,Kaama jararki
- Jaba awrkii ,Jar inuu maro
- In lajecelyahay,jaawa ma ogtahay’’
Markaana waa xarafka H iyo heesaha geela lagu waraabiyo
- ‘’Waa horweynki ,marku hawdka galo
- Waraaba hurda iyo, haadka kicin jiray
- Sida hogol hawd, oo habeenimo
- Aan Hilaac wadin iyo heedadaabay
- Wiilaan hayn jirin, haatan soo yimi
- Habeenada hore ,habeedea iyo haas ku xooday
- Haraagaga habeenko bara,hebelo godal
- Iyo haruub lugu tabay
- Hasha ka irmaan habaarqabe maal,
- Oo hurdada bogay
- Ana habaas iyo habeedey mari’’
Heesaha aan marnaba laga tagin karin waxa kamid aha midaan eey wada hooriyan raga ceelka shubaayo dhan.
- ‘’Heleleey heleleey heleey
- Heleley hormadaado
- Heleleey wiil hantaawadan
- Heleley waa hubaa dhoo
- Heleleey waa hantaqa weyn
- Heleleey haarun gabantii
- Heleleey Goodir ka aheyd
- Heleey geed lawaabiyo
- Heleyaa guga ka yimi
- Heeley yeey gartii tahay
- Haaheey wabaleey
- Haaheey wabaley
- Heleley war biyo leh xigo
- Heleleey wadada ha deyn
- Heleley wiilsahan wado
- Heleleey waab biyo leh dhigo
- Heleleey hadaaan jimicsado
- Ood jac maqashaan
- Waa jidhkaygo
- Anaa jimicsady melena kama jabo
- Heleley maadiga yiri
- Heleleey bal hadan yiri’’
Mida ugu danbeeyso waa xarafka T waa tan ugu caansan heesaha geelaa lagu shubo
- ‘’Markey tuban tahay ,Marka lala tago,
- ama kala taal
- Waa tolleeyo,looma kala tago’’
Tan waaa meersika ugu caansan heesaha geela lagu shubo micnaheeduna waa marka wadaanta ceelka laga bixinaayo looma kala haro
Qore: cabdulqaadir cilmi jimcaale (ciifle)